Hub iyo Rasaas la sheegay in loo waday Al Shabaab oo la qabtay (Daawo Sawirro)

Ciidanka Nabad sugida maamul goboleedka Galmudug ee ka howlgala magaalada Dhuuso Mareeb ayaa gacanta ku dhigay gaari Homy ah oo waday hub , rasaas iyo saanad kale oo kuwa ciidanka ah.

Saraakiil katirsan ciidanka Nabad sugida maamulka Galmudug ayaa sheegay in hubka iyo rasaasta la qabtay ka yimaadeen dhinaca gobolka Bari ee Puntland uuna kusii jeeday deegaano ay maamulaan Al Shabaab oo kuyaala gobolka Hiiraan.

Gaari ay qabteen ciidanka Nabad sugida maamulka Galmudug ayaa waxaa saarnaa hub u badnaa rasaas iyo sidoo kale booshashka qoryaha la gashto, waxaa saraakiisha Nabad sugida Galmudug sheegeen in agabkan ciidan ay lahaayeen Al Shabaab.

Nabad sugida maamulka Galmudug ayaa sheegay in baaritaano dheeraad ah ku sameenayaan hubkan gacanta ku dhigeen iyo dadkii waday, waxa ayna sheegeen in saxaafada usoo bandhigi doonaan natiijada baaritaankooda kasoo baxda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -